Hagaha Waalidka laga bilaabo dhalmada ilaa shan jir

Cudurrada caadi ah ee carruurnimada iyo wanaagqabka

Tallaallada

Tallaallada

Iminka iyo mustaqbalka ilmahaaga badbaadi

Tallaallada waxaa caadi ahaan lagu bixiyaa mudis. Carruurta Ingiriiska ku nool waxaa loogu baaqaa tallaallo lagaga hortagayo cudurro kaladuwan taasoo qayb ka ah Barnaamijka Ilmaha Caafimaad qaba (Healthy Child Programme). Talobixin ku saabsan tallaallada waxaad ka heli kartaa Takhtarkaaga Guud, kalkaaliyaha caafimaadka ee xafiiska takhtarkaaga ama booqdahaaga caafimaadka (health visitor). Waxaa lagu diiwaangeliyaa Diiwaanka Caafimaadka Ilmaha ee Waalidku Hayo (Parent Held Child Health Record) (Buugga Cas), kaasoo ah buug aad adigu haysato oo ay ku jiraan macluumaadka ku saabsan caafimaadka ilmahaagu.

Tallaallada waxaa ugu badnaan la bixiyaa shanta sano ee ugu horraysa. Waxaa muhiim ah in tallaallada lagu qaato da'da sax ah si inta suurogal ah loo yareeyo halista cudurka. Ha ka waabanin in aad talobixin weydiisato booqdahaaga caafimaadka ama Takhtarkaaga Guud - waa sababta ay u joogaan! Tallaallada carruurtu waa bilaash intooda ugu badanna waxaa lagu bixiyaa xafiiska Takhtarkaaga Guud.

Tallaallada qaarkood waa lagu celiyaa si loo hubiyo in badbaadinta la sii wado. Waxaa taas loo yaqaannaa kordhinta, markaa hubi in ilmahaaga la siiyo.

Haddii aad uur leedahay, waxaa laguugu baaqi doonaa tallaalka qiix dheerta (whooping cough) oo lagaa siin doono xafiiska Takhtarkaaga Guud. Waqtiga ugu fiican waxa weeyaan marka aad 28 ilaa 32 toddobaad uurka siddo, waxuu ilmahaagu dhalan doonaa isagoo ka badbaadsan bukaanshaha ama jeermiska qiix dheerta, bukaansho aad ugu daran dhallaanka yar yar.

Takhtarka Guud (GP) waxuu yiri

Tallaallada waxaa loo isticmaalaa si carruurta looga badbaadiyo cudurro aad ugu darnaan kara oo u keeni kara dhibaatooyin muddo badan haya ama xataa dili kara.

Tallaallada badbaadinta ee ilmahaaga loogu baaqo waxay u qalmaan xoogaaga xanuun ah ee ay leeyihiin.

Haddii aad rabto in aad hesho warbixin dheeraad ah oo ku saabsan tallaallada ilmahaaga loogu baaqo, booqo www.nhs.uk ama la hadal booqdahaaga caafimaadka, kalkaaliyaha caafimaadka ee xafiiska takhtarkaaga ama Takhtarkaaga Guud.

Goorta la tallaalo Goorta la tallaalo

Laba bilood jir

  • Gawracatada, teetanada, qiix dheerta, dabaysha iyo baktiiriyada haemophilus influenzae nooca b (Hib)

  • Cudurka baktiiriyada oofwareenka (pneumococcal)

  • Fayruuska shubanka (rotavirus)

Saddex bilood jir

  • Gawracatada, teetanada, qiix dheerta, dabaysha iyo Hib

  • Cudurka baktiiriyada qoorgooyaha ee qaybta C (MenC)

  • Fayruuska shubanka (rotavirus)

Afar bilood jir

  • Gawracatada, teetanada, qiix dheerta, dabaysha iyo Hib

  • Cudurka baktiiriyada oofwareenka (pneumococcal)

Inta u dhexeysa 12 bilood iyo 13 bilood jir - hal bil gudihiis ka dib sanadguuraha koowaad

  • Hib/MenC

  • Cudurka baktiiriyada oofwareenka (pneumococcal)

  • Jadeecada, qaamo qashiirta iyo jadeecada Jarmalka

Carruurta laba, saddex iyo afar jir ah

  • Ifilada - Tallaalka sanka lagu buufiyo ee ifilada waxaa sanadaha soo socda tartiib tartiib loogu bilaabi doonaa da'aha kale, la hadal kalkaaliyaha caafimaadka ee xafiiska takhtarkaaga ama booqdahaaga caafimaadka

Saddex sano iyo afar bilood jir ama xoogaa ka dib

  • Jadeecada, qaamo qashiirta iyo jadeecada Jarmalka

  • Gawracatada, teetanada, qiix dheerta iyo dabaysha (Kordhinta Dugsiga Ka hor)

Booqdaha caafimaadku waxuu yiri

Hubi in aad meel nabad ah ku hayso Buugga Cas (Red Book) ee ilmahaaga. Waa diiwaangelinta keliya ee buuxda ee aad ka haysato tallaallada carruurnimada lagu siiyo waxaana badi loo baahdaa nolosha inteeda dambe. Tallaalka MenB waa la bilaabi doonaa waxuuna qayb ka noqon doonaa barnaamijka tallaallada caadi ah ee carruurta, booqdahaaga caafimaadka ka warayso.

1

Tallaalka waxaa laga bilaabaa laba bilood, goortaasoo uu bilaabmo in uu hoos u dhaco, difaaca dabiici ah ee dhallaanka cudurka ka celiya.

2

Booqdahaaga caafimaadka ayaa kuu sheegi doona goorta xaafaddaada laga qabanayo kulannada tallaalka.

3

Tallaalladu ilmahaaga ma badbaadiyaan uun waqtiga carruurnimada, waxay isaga badbaadiyaan noloshoo dhan.