Hagaha Waalidka laga bilaabo dhalmada ilaa shan jir

Cudurrada caadi ah ee carruurnimada iyo wanaagqabka

Hagaha Waalidka laga bilaabo dhalmada ilaa shan jir

Cudurrada caadi ah ee carruurnimada iyo wanaagqabka

Soo dhawow

Hantidan warbixineed waxaa isku soo dubbariday Kooxda Xilsaarista Caafimaadka ee Enfield ee adeegga NHS (NHS Enfield Clinical Commissioning Group).

Buuggan gacanqabsiga ah waxaa ku jirta warbixin waxtar leh oo loogu talagalay waalidiinta/daryeeleyaasha carruurta laga bilaabo dhalmada (iyo wixii ka dambeeya). Waalid kaste ama daryeele kaste waxuu rabaa in uu ogaado sida ugu fiican ee uu u caawin karo ilmihiisa koraya iyo sida uu u hubin karo in uu bilowga ugu fiican noloshiisa ka helo. Waxaad buuggan gacanqabsiga ah u isticmaali kartaa si aad isaga caawiso in aad ogaato waxa aad samayn karto marka uu ilmahaagu buko. Baro sida aad ilmahaaga guriga ugu daryeeli karto, goorta habboon in aad talobixin u doonato xirfadle ku hawl leh daryeelka caafimaadka goorta habboon in aad la xiriirto adeegyada gurmadka degdeg ah.

Dhibaatooyinka aad la kulmi doonto intooda ugu badan waxa weeyaan uun kuwo si caadi ah qayb uga ah koritaanka, waxaana badi kaa caawinaya hadal yar oo aad la yeelato ummulisadaada ama booqdahaaga caafimaadka (health visitor). Dhallaanka, socodbaradka iyo carruurta ku dhawaad dhammaantood waxaa ku dhici doona cudurrada carruurnimada ee ugu caadi ah sida busbuska, hargabka, cune xanuunka iyo bukaanshaha ama jeermisyada dhegaha. Inkastoo aanay kuwaasi wax fiican ahayn marka la qabo haddana si fudud ayaad guriga ugu daawayn kartaa marka aad taageero ka hesho xirfadlahaaga daryeelka caafimaadka halkii aad ka tagi lahayd Waaxda Gurmadka degdeg ah ee isbitaalka (A&E).

Haddii aad walwal qabto waa in aad talobixin dheeraad ah doonato - raac dareenkaaga dabiici ah.

www.enfieldccg.nhs.uk

Yaa ku caawin kara?