Hagaha Waalidka laga bilaabo dhalmada ilaa shan jir

Cudurrada caadi ah ee carruurnimada iyo wanaagqabka

Indha caseeyaha

Indha caseeyaha

Waa maxay indha caseeyaha dhallaanka cusub?

Cudurka indha caseeyuhu (jaundice) waa cudur caadi ah oo ku dhaca dhallaanka iminka dhashay oo keena in ay huruud ama jaalle noqdaan haragga iyo qaybta cad ee indhuhu. Dhallaanka haraggoodu madow ama bunni yahay, waxaa ku sii adag in lagu arko midabka huruudda ama jaallaha waxaana lagu arki karaa oo keliya baabacada gacmaha iyo cagta cad. Waa wax aad caadi u ah oo badi ma aha wax loo baahan yahay in laga walwalo waxuuna ku baxaa 10 ilaa 14 cisho.

Waa in aad ilmaha cuntaysiiso islamarka suurogal ah si aad ugu dhiirrigeliso in uu marar badan xaaro. Haddii aad naasnuujiso, waa in aad ilmahaaga u sii waddo naasnuujinta joogto ah. Dhallaanka la naasnuujiyo qaarkood, waxaa haragga xoogaa kaga sii jiri kara midabka huruudda muddo ilaa 12 toddobaad ah. Waxay taasi ku xiran tahay caanaha naaska, waana caadi haddii ilmahaagu uu sida kale u caafimaad qabo uuna kobcayo.

Mararka ka daran, waxaa laga yaabaa in aad u baahato in aad ilmahaaga isbitaalka ku soo celiso si muddo loo hoos dhigo iftiin gaar ah ee shucaaca ultraviolet. Indha caseeyaha dhallaanka cusub waxuu caadi ahaan ka joogsadaa marka ay da'doodu gaarto qiyaas ahaan laba toddobaad. Indha caseeyaha ka daran waxuu u baahan karaa daawayn. Haddii indha caseeyuhu uu sii socdo muddo 14 cisho ka badan, indha caseeyuhu uusan bilaabmin toddobada cisho ee dhalmada ku xiga ama xaarka dhallaanku uu yahay caddaanka tabaashiirta waa in aad la xiriirto booqdahaaga caafimaadka (health visitor) ama Takhtarkaaga Guud (GP).

Baarista cudurka indha caseeyaha

Tallaabada 1

Farahaaga aayar ugu riix haragga, sidii aad eegaysid in miraha khookhu bisil yahay, oo fiiri midabka barta ay fartaadu saarnayd. Isku day in aad riixdo caarada sankiisa.

Tallaabada 2

Haddii ay huruud ama jaalle u eeg tahay (halkii ay caddaan ka ahaan lahayd), waxaa la filanayaa in uu qabo cudurka indha caseeyaha. Baaritaankan waa in la isticmaalo oo keliya marka iftiinka fiican ee cadceedda la hoos joogo ama iftiin dhalaalaya (waxaa ugu fiican daaqadda agteeda). Waa in ilmaha dhallaanka ah dharka laga saaro si la isugu eegi karo qaybaha kaladuwan ee jirka. Haragga midabkiisu kuwa kale ka madow yahay u fiiri baabacada gacmaha iyo cagta cad.

Tallaabada 3

La hadal booqdahaaga caafimaadka ama Takhtarkaaga Guud.

1

Waxuu ilmahayga dhallaanka ah u muuqdaa in uu qabo indha caseeye sahlan, maxaa habboon in aan sameeyo?

2

Ilmahaaga inta suurogal ah cuntaysii si aad u hubiso in uusan jirkiisu biyo beelin.

3

Haddii aad walwal qabto ka warayso ummulisadaada, booqdahaaga caafimaadka ama Takhtarkaaga Guud.