Hagaha Waalidka laga bilaabo dhalmada ilaa shan jir

Cudurrada caadi ah ee carruurnimada iyo wanaagqabka

Meningitis

Qoorgooyaha iyo cudurka sebsis

Caadi ma aha laakiin way daran yihiin

Dhallaanka iyo socodbaradka ayaa sida ugu badan ugu nuglan maadaama aanay si fudud isaga difaaci karin bukaanshaha ama jeermiska maxaa yeelay nidaamkooda difaaca dabiici ah ee jirka ayaanan weli si dhammaystiran u kobcin. Adiga kuuma sheegi karaan waxa ay dareensan yihiin oo si dhakhso badan ayay xaaladdoodu uga sii dari kartaa. Iyaga kolba mar eeg.

Cudurka qoorgooyuhu (meningitis) waa barar maskaxda fuula. Waa cudur aad u daran, oo la is qaadsiin karo, laakiin haddii hore loo daaweeyo carruurta intooda ugu badan si buuxda ayay uga bogsadaan.

Cudurka sebsis (oo badi loo yaqaanno septicaemia ama sunta dhiigga) waa cudur nafta halis geliya oo bukaansho ama jeermis ka yimaadda. Waxaa weliba laga yaabaa in uu haraggu yeesho nabarro dhibco yar yar ah ama meelo balballaaran oo ah midabka buluug madow u dhow, kuwaasoo uusan midabkoodu isbeddelin haddii bakeeri aanan dheg lahayn aad ku dul wareejiso. Taasi waa calaamad caadi u ah cudurka sunta dhiigga ee baktiiriyada qoorgooyaha (meningococcal septicaemia), nooca sunta dhiigga ee ka timaadda baktiiriyada cudurka qoorgooyaha, taasoo weliba keeni karta cudurka qoorgooyaha.

Waa in aad marwalba sida xaalad degdeg ah u tixgeliso mar kastoo aad ka shaki qabto cudurka qoorgooyaha ama sunta dhiigga.

Calaamadaha ugu horreeya waxay u eekaan karaan marka la qabo hargabka ama ifilada. Carruurta cudurka qoorgooyaha qaba si dhakhso badan ayay aad ugu jirroon karaan ama ugu bukaan karaan, markaa hubi in aad heli karto calaamadaha cudurkaas. Waxaa laga yaabaa in uu ilmahaagu yeesho finan isku urursan oo cascas ama ah midabka buluug madow u dhow. Ku samee baaritaanka bakeeriga. Waxaa sii adkaan karta in firiiricaas laga arko haragga kuwa kale ka madow, markaa finanka ka baar dhammaan jirka dhallaankaaga ama ilmahaaga maxaa yeelay meel kaste ayuu ka bilaabmi karaa (marka hore fiiri meelaha ugu cad). Hase yeeshee, firiiricu marwalba ma soo baxo - la soco calaamadaha/astaamaha cudur dhammaantood.

Waa in aad sida ugu daran u tixgeliso muuqaalka xummadda iyo calaamadaha kale ee ka mid ah kuwa kor ku xusan. Carruurta dhammaantood kama muuqan doonaan dhammaan calaamadaha ku taxan dhanka midig.

GP

Takhtarka Guud (GP) waxuu yiri

Haddii calaamadaha hoose qaarkood ay jiraan takhtar la xiriir.

Xummadda, cold hands and feet

Xummad, gacmo iyo cago qabow

Floppy and unresponsive

Dabacsan oo aanan kuu jawaabayn

Drowsy and difficult to wake

Hurdaysan oo adag in la kiciyo

Spots/rash. Do the glass test

Finan/firiiric.
Ku samee baaritaanka bakeeriga

Rapid breathing or grunting

Neefsasho degdeg ah ama guuxid

Fretful, dislikes being handled

Walaacsan, diiddan in la qabto

Unusual cry or moaning

Oohin ama taahid aanan caadi ahayn

Baaritaanka bakeeriga

Baaritaanka bakeerigu waa hab run ahaan waxtar leh si loo soo helo cudurka qoorgooyaha ee lagu tuhunsan yahay ama laga shaki qabo. Haddii ilmahaagu uu leeyahay finan isku urursan oo cas ama ah midabka buluug madow u dhow, bakeeri cad oo wax lagu cabbo dhinaciisa si adag ugu riix firiirica.

Si toos ah u tag Waaxda Gurmadka Degdeg ah (Accident and Emergency Department)

Glass test

Marka tusaalahan la eego finanka waxaa weli laga arki karaa bakeeriga. Waxaa kaas loo yaqaannaa firiiric aanan caddaanayn - ma dhadayo. Islamarkaaba takhtar la xiriir (matalan xafiiska takhtarkaaga gaarka ah ama Xarunta Ballan la'aan lagu tago/ Daryeelka Dhakhso ah (Walk-in/ Urgent Care Centre)). Haddii aadan islamarkaaba gargaar heli karin tag Waaxda Gurmadka degdeg ah ee isbitaalka (A&E).

Go straight to A&E

Marka tusaalahan la eego bakeeriga hoostiisa waxaa la moodaa in finanku ay baaba'een. Lama filanayo in ay taasi tahay cudurka qoorgooyaha laakiin haddii aad weli ka walwal qabto wac adeegga NHS 111, la xiriir Takhtarkaaga Guud ama tag Waaxda Gurmadka degdeg ah.

War dheeraad ah ka hel halkan www.meningitisnow.org