Waalidiin farabadan kama war hayaan dhibaatooyinka caafimaadka ee daran ee ay leedahay marka ay carruurtu yeeshaan culays siyaado ah (ama cayilan yihiin) taasoo wadata halis dheeraad ah oo ay u galaan dhibaatooyinka caafimaadka ee mustaqbalka fog, sida dhibaatooyinka wadnaha iyo xidiiddada dhiigga iyo cudurka macaanka ama sonkorowga ee nooca 2 (type 2 diabetes). Dhallaanka iyo socodbaradka culayskoodu siyaado yahay ayay in ka badan shan jeer suurogal u tahay in ay culays siyaado ah yeeshaan marka ay carruurnimada ku sii koraan iyo marka ay qaangaar noqdaan. Waxaa loo baahan yahay in nolosha inteeda hore la baro caadooyinka cuntada fiican iyo jimicsiga. Booqdahaaga caafimaadka (health visitor) kala hadal fikradaha cuntada caafimaad leh ee qoyskoo dhan la siin karo.
Culayska siyaado ah waxuu badi ka yimaaddaa oo keliya cuntada aanan caafimaad lahayn iyo jimicsi qofka ku filan oo la samayn waayo. Waxaa ka fiican in aad ilmahaaga ka horjoogsato in uu marka horeba culays siyaado ah yeesho. Nidaamyada hurdada ee fiican, cunto caafimaad leh oo kaladuwan iyo jimicsiga joogto ah ayaa dhammaantood kaa caawin doona in aad ilmahaaga ku hayso culays caafimaad leh. Mararka qaar sabab la'aan ayuu ilmuhu culays siyaado ah u yeeshaa, haddii ay sidaas tahay la hadal booqdahaaga caafimaadka maxaa yeelay waxaa jiri karta dhibaato caafimaadeed oo dahsoon.
Dhibaatooyinka shucuureed ee ka yimaadda cayilnaanta carruurnimadu waxay noqon karaan kuwo daran oo waara, sida xoogsheegashada iyo isku kalsooni dhacsan. Waalidiinta waxaa ku adkaan karta in ay ilmahooda kala hadlaan culayska siyaado ah ee uu leeyahay maxaa yeelay dareen dembiqab ayaa iyaga gala oo ma rabaan in ay ilmaha murugo geliyaan marka ay taas kala hadlaan.
Waxay waalidiintu badi yaraystaan qiyaasta cuntada ee ay carruurtu cunaan waxayna siyaado ugu arkaan qiyaasta firfircoonida ee ay sameeyaan. Waalidiin farabadan waxay aamminsan yihiin in carruurtoodu ay iminkaba sameeyaan firfircooni ku filan iyagoo isku qasa 'buuqa badan' iyo 'samaynta firfircoonida'.