Hagaha Waalidka laga bilaabo dhalmada ilaa shan jir

Cudurrada caadi ah ee carruurnimada iyo wanaagqabka

Xasaasiyadaha

Xasaasiyadaha

Maamulidda iyo fahmidda xasaasiyadda ilmahaaga

Xasaasiyaddu waa marka jirku uu ka ficil celiyo borootiin sida cuntooyinka, mudista cayayaanka, faxalka, cayayaanka boorka ee aqalka ama walax kale sida daawooyinka antibiyootigga. Waxaa jira xasaasiyado farabadan oo caadi ah.

Calaamadaha xasaasiyaddu waxay saamayn karaan sanka, cunaha, dhegaha, indhaha, dariiqyada hawadu marto, dheefshiidka iyo haragga marka ay yihiin nooc sahlan, meeldhexaad ah ama daran. Marka ugu horraysa ee ilmaha ay ka soo baxaan calaamadaha xasaasiyaddu marwalba ma cadda waxa calaamadahaas cudur keenay, ama xataa haddii uu jirkiisu sameeyey ficilcelinta xasaasiyadda ah, maadaama calaamadaha xasaasiyadda qaarkood ay u eekaan karaan cudurro kaloo caadi ah oo carruurtu ay yeeshaan. Talobixin caafimaadeed doono haddii ilmahaagu uu qabo, ama uu soo yeeshay, ficilcelinta xasaasiyadda ee daran. Xataa haddii calaamaduhu ay ka go'een, mar kale ayay ku soo kici karaan oo nafta ayay xataa halis gelin karaan.

Urtikaria - oo weliba loo yaqaanno firiirica cuncunka leh ayaa ka mid noqon kara calaamadaha ugu horreeya ee ficilcelinta xasaasiyadda. Waxuu ku soo baxaa firiiric soo taagan, oo cuncun leh oo ka muuqda qayb keliya oo jirka ka mid ah ama waxuu ku faafaa meelo ballaaran. Waxaa laga yaabaa in uu jirka ilmahaagu ka ficil celiyey:

  • Cunto, sida looska, ukunta, shukulaataha, miraha liinta, miraha yar yar ee guduudan ee strawberry la yiraahdo, xayawaan badeedka shellfish la yiraahdo, ficilcelin laga muujiyo caanaha lo'da ayaa weliba ku dhici karta dhallaanka lix bilood ka yar.
  • Waxyaabaha cuncunka keena sida gubtaanyada, cinjirka lateks iyo kiimikooyinka.
  • Socodbaradka xasaasiyad ka qaaday mukulaalka ayaa weliba firiiric yeelan kara marka ay xayawaanka guriga u salaaxaan.
  • Daawooyinka qaarkood. • Qaniinyada iyo mudista cayayaanka.
  • Kulaylka. Waxuu ilmuhu yeelan karaa firiiric haddii uu kulaylku ku bato.

Waxaa laga yaabaa in uu xoogaa saacado ama maalmo ah ku baxo. Haddii firiiricu uu leeyahay cuncun ama barar si gaar ah u daran, Takhtarkaaga Guud (GP) u tag.

Shoogga ficilcelin aad u daran (Anaphylactic shock)

Ficilcelinta aad u daran ee anaphylaxis la yiraahdo waa nooc ficilcelin xasaasiyad oo khatar ah taasoo ugu badnaan la filanayo in ay ka timaaddo cuntooyin gaar ah, mudista cayayaanka ama daawooyinka.

Calaamadaha ugu horreeya ee ficilcelinta xasaasiyadda:

  • Barar iyo cuncun; wajiga ayaa guduudan kara waxaana haragga ka soo bixi kara calaamado cascas ama firiiric.
  • Bararka dabnaha ama wajiga.
  • Matag/calool xanuun aad u daran.

Ficilcelinta anaphylaxis ama noocyada ficilcelinta ee daran:

  • Neefta oo adkaata, qufacid iyo/ama hinraagid.
  • Midab beelid; qabow iyo dhegdheg.
  • Miyir beelid ama suuxid (u muuqda in uu hurdo).

Wac lambarka 999 oo qofka telefoonka ka shaqeeya u sheeg in aad u aragto in ilmuhu uu qabo ficilcelinta aad u daran ee anaphylaxis la yiraahdo.

Haddii la heli karo, waa in lagu mudo maaddada adrenaline islamarka lagu tuhunsan yahay in uu qabo ficilcelin daran. Haddii aad hore u haysato qalabka EpiPen ama qalab kaloo mudista loo adeegsado, hubi in aad garanayso sida hagaagsan ee loo isticmaalo ka hor inta aanay xaalad degdeg ah imanin.

Soo helidda calaamadaha

Tusaalahani waxuu tilmaamayaa meelaha ay ka soo bixi karaan calaamadaha ay yeeshaan dadka xasaasiyadda qaba. Qaar farabadan oo calaamadahan ka mid ah waxay ka iman karaan cudurro kaloo caadi ah oo carruurtu ay yeeshaan. Marka xasaasiyaddu ay jirto, calaamaduhu badi si ka dhakhso badan ama kadis ah ayay u soo baxaan.

Indhaha

Cuncunka indhaha, indhaha oo biyo keena, indhaha oo qodax yeesha, bararka indhaha, 'dhalaaleyaasha xasaasiyadda' - indhaha hoostooda oo madoobaada sababtoo ah sanqada oo xiranta.

Antihistamines ama daawooyinka xasaasiyadda

Daawooyinka antihistamines ayaa la filanayaa in ay yihiin nooca daawada xasaasiyadda ee ugu caan ah, waxaana intooda ugu badan laga soo gadan karaa farmashiiga iyadoon rijeeto la sidanin. Inkastoo daawooyinka antihistamines hore loogu yaqaanay in ay dadka hurdaysiiyaan, noocyada antihistamines ee ugu casriyaysan marar tiro yar oo keliya ayay dhibaatooyinkaasi soo raacaan.

Isha: www.allergyuk.org

Sanka, cunaha iyo dhegaha

Sanka oo dareera, sanka oo xirma, cuncunka sanka, hindhisada, xanuunka sanqada, madax xanuun, tifqidda sanka gadaashiis (duuf cunaha kaga daata sanka dhankiisa dambe), awoodda wax urinta iyo dhadhanka oo luma, cune xanuun, bararka xubinta codka (sanduuqa codka), cuncunka afka iyo/ama cunaha, dhegaha oo xirma iyo dhegaha oo dhegdheg yeesha.

Dariiqyada hawadu marto

Neefta oo hinraagid yeelata, neefta oo adkaata, qufacid (gaar ahaan habeenkii), neef tuurid.

Haragga

Urtikaria - Calaamado cascas ama firiiric, meelo kuuskuusan, oo cuncun leh oo soo taagan, firiiric farabadan.

Cambaarta - Haragga oo dildillaaca, burbura, engega ama dheecaan yeesha.

Dheefshiidka

Bararka dabnaha/carrabka, calool xanuun, yaqyaqsi, matag, calool fadhi, shuban, dhiig ka soo daata dabada, laabjeex, koritaan xun.

Isha: Allergy UK (Xasaasiyadda Ingiriiska)/2014

Isha: machadka NICE (Machadka Qaran ee Heerka sare ee Caafimaadka) - Baarista ku saabsan xasaasiyadda cuntada ee loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada