Waxaa dhallanka iyo socodbarada caadi u ah bukaanshaha ama jeermisyada dhegaha gala, kuwaasoo keeni kara xanuunka dhegaha. Waxay badi yeeshaan ka dib marka uu hargab ku dhaco waxayna mararka qaar keeni karaan xummad. Waxaa laga yaabaa in ilmuhu uu dhegihiisa jiidjiido, laakiin dhallaanku badi ma garanayaan meesha xanuunaysa, markaa way ooyaan uun waxayna caadi ahaan u muuqdaan in aanay raaxo qabin.
Toddobaadyada ugu horreeya dhallaanku waxay leeyihiin difaac dabiici ah oo ka celiya bukaanshaha ama jeermisyada - waxaa taas lagu xoojiyaa naasnuujinta. Wixii dhallaanka iyo socodbaradka khuseeya, waxay baktiiriyadu si ka fudud ugu kala gudubtaa sanka ilaa dhegaha. Bukaanshaha ama jeermisyada dheguhu xanuun ayay yeelan karaan waxaana laga yaabaa in ilmahaagu uu u baahan yahay oo keliya habsiin dheeraad ah iyo kiniinnada xanuunka joojiya (sida baarasatamoolka aanan sonkor lahayn ama ibuprofen) oo aad ka soo qaadan karto farmashiistaha. Waxaa laga yaabaa in ay bararaan qanjirrada ilmahaaga qoorta kaga yaalla - waxay taasi tahay habka uu jirku iskaga celiyo bukaanshaha ama jeermiska.
Cudurka qumanka (tonsillitis) - Xanuunka dheguhu waxuu weliba ka iman karaa cudurka qumanka (bararka qumanka). Waa nooc bukaansho ama jeermis oo si caadi ah u gala carruurta. Calaamadaha waxaa ka mid ah cune xanuun, xanuunka dhegaha, qufacid iyo xummad badan. Taasi ma aha cudur daran waxaanad u baahan tahay oo keliya in aad Takhtarkaaga Guud (GP) u tagto haddii calaamadaha cudur ay sii socdaan muddo afar cisho ka badan ama ay ka sii daraan oo ay yeeshaan xanuun daran, xummad aad u badan ama dhibaatooyinka neefsashada.